salmaanwalaal's Site

 

 

Maxaa ibaday murugo jacayl

Caashaq waa cad kamid ah cayshka aadmiga uu Alle u hibeeya aadmigiisa noloshane sideedabo waa imtixaan
 ruuxaan horey u ilmayn mar un waa uu ilmayn doonaa waayo farxada bini aadan hadbo meel ayay ku jirtaa
waxaase ugu daran markay bini aadan kale faraha uga sho waayo waa welwel iyo naxdin ku noolaansho
Liibaan waxa uu ahaa wiil iska normal ah sida dhalan yarada markaa soo koreysay oo kale waxa uu jacayl
 xad dhaaf ah uqaaday gabar ay deris ahaayeen in mudo ah Liibaan afkiisa way usahlanayd oraahda caadiga
walow ay aad ugu adkaatay dhihida waan ku jecel lahay gabadha uu muda dheer soo jeclaa Liibaan gabadha
 uu jeclaa waxa ay ahayd gabar qurux iyo qaayabo qaadir udhameeyay ruuxii arkaana kama uusan dhergayn
 daymadeeda waa gabar haybad iyo hanaanbo loo hibeeyay gabadhaa oo magaceeda ahaa Cayni ayaa ayaduna
 ka heli jirtay wiilasha sheekada badan kaftanka badan xishmeeyana gabdhaha sida Liibaan
Liibaan asigoo habeen kasto ku qarwaayo qaabka oo uu ugu bandhigan lahaa jacaylka ku keliyoobay naftiisa
aanan marna imaan karayn dibada ayaa bilaabay inuu kacawado cidlada caashaqa wuxuuna ku hadaaqay tix aad
ugaaban balse ka kulul dhimbisha dabka kana guux dheeraysa raha taaho xili roobaadka asigoo ku bilaabay tixdiisa ayaa yiri

haddan raganimo iyo

iska raadsho geesinimo

oon agtaada imaado

naftu argagax iyo

cabsibaa la soo deristee

haddaanan kaa oran afka

uurka ma ka dareemi

haddan kaaga baaqo dhaayaha

adna ma arkoon

haddaanse kuugu heeso jacayl

adiguse madhagaysani oo

jiibtu ma ila wadi

ku daalay daba joogaadee

maxaad ku garan jacaylkayga

Liibaan waxaa lasoo deristay dhibaato jacayl walow uu ka adkaa afkiisa hadane qaabkiisa u abuurmay dhibane jacayl
 Cayni makay waaysay mudo ninka Liibaan aahaa ayay raadintiisa bilowday maadaama uu ahaa wiilka ay aadka uga hesho
sheekadiisa naxariistiisa dulqaadkiisa iyo wax yaabaha dheeriga ee ayada ka qarsan ee uu ugu qabto jacayl dartii Cayni
 waxay timid guriga Liibaan asigoo aad moodo nin ay jiro sariir saartay oo kale Liibaan markii lagu wargeliyay inay gabari
 ujooto sidaa uma uusan danayn balse markii maqlay dhawaq kamid ahaa ereyada Cayni ayuu soo baraarugay kadibna
bilaabay is qaabayn iyo is dhisid Liibaan markuu arkay Cayni ayuu salaan macaan badan kula booday fadhiiso horey usoo
gal iyo ereyo kale oo soo dhoweyn mudan ayuu ku boobsiiyay Cayni oo fadhi sidaa kusii jirin ayaa uga mahad celsay sida
farxada leh oo uu marti sooray kana codsatay inuu dibada uraaco si ay uyara sheekaystaan Liibaan oo ahaa nafta wax jecel
 ayaa ka diidi waayay durbadiina soo raacay Liibaan iyo Cayni waxay imaadeen tarjiin aan sidaa uga baxsanayn xaafadooda
ayadoo kawaraysanayso xaaladiisa ayay su aashay su aalo uusan jawaabi u heli karayn inkastoo xishoodka ay lahayd gabadha
 Cayni ah hadane naxdin iyo baqdin jacayl ayaa ku beeran Liibaan waana had iyo jeerbo mid ku nool taxadir iyo Allow ha iga
 dayacin walaaltinimadeeda Liibaan iyo Cayni waxaa dhexmartay sheekadaan gaaban(Liibaanow aboowe maxaa kugu dhacay
 ood la qushuucsantahay ma arko farxadaan kugu bartaye maxaa kaa si ah) (Cayniyey abaayo wax dhibaato ah ma jiraan waan
iska yara caajisanahay mooyee daruuf baagamuundane way iska jirtaa) ayuu ku jawaab celiyay asigoo ka dafiraay jacaylka uu
 qarsanaayo Liibaan iyo Cayni halkii ayay isku macsalaameeyeen oo waa ay soo kala tageen ninka Liibaan ahaa ayaa go aan
kama danbees ka qaatay in uu iska ilaawo gebi ahaanbo jacaylka uu uqabo haduu doonane uu udhinto darteeda in uu
bandhigan lahaa asigoo quursi taagan ayaa maqashay dhibaatada haysata Liibaan Nafisa oo ahayd walaashii kawayn si kastay
wax ugu sheegto wax raganimo ah waa ay ka waaysay waxayna usoo kordhisay fikrad ka naqnayd oo ahayd in uu udiro dhambaal
jacayl kuna muujiyo asigoo ay ku adagtahay ayuu aqbalay waxa uuna soo qaatay waraaq iyo qalin waxa uuna garan waayay meel
 uu ka bilaabo Liibaan ilaa habeenkii saqda dhexe waxa uu ka fikiraayay waraaqdaa siduu ku qori lahaa iyo ereyada ay mudantahay
in loo qoro Liibaan waxa uu bilaabay inuu diyaariyo dhambaalkii waxa uuna uqoray sida tan

From; dibane jacayl

To;Cayni of mine

Marka hore iga gudoon salaan sharaf iyo wanaag badan salaan kadib yaysan layaab kugu noqon dhambaalkaan dabcan laga
yaab inuu kasoo dib maray waqtigiisa laakiin hada waa mid soo daahiray Cayniyey waxaan dhexda kaga jiraa cadaabta aduun
 adiga un baana ii garaabi karo hafudaysan hadalkayga waa iga dhab oo hamigaygaa ku raacay

ee hadaan kuu jeedi lahaayoon

jabkane kuu sheegi lahaa

awood baan jirin xagaygoo

afkii baa juuqda gabay

dabcan waxaan filaa inaan
 caawa maraayo imtixaanka
 jacaylka kol un ku dhic
 doonaa Allow adigaa inoo
dhexeeyo

suuradaada qurxoon

sowdkaada macaan iyo

sanqaroorka kugu yaalo

ayaa wax lasiisto lahayn ee

saman dheeraan ku ishaartay

intaan sakaraadin oon

sariirtane korin

maad isaacididoo

sacabadaada isaartid

Warsan iyo Salaan

Liibaan sidaa ayuu ugu diray dhambaalkii naxdinta lahaa Cayni oon ka qasnay misane iska dhagaysanaysa music ayaa waxaa
loo keenay dhambaal aysan weli arag asigoo kale markay kala furtay waxaa uga soo baxay fiyooro quruxban midabka dhiiga
ee casaankana sito inyeu dhoola cadeesay ayay aqris ku bilowday ereyba ereyga kadanbeeyo markay dhaayaheeda ku soo
dhacaayeen waa ay sii yaabaysay ayadoo aysan weli u cadaan ruuxa soo diray dhambaalka ayay dhamaystiratay aqrintii mar
 alaala markay dhamaysay ayay su aashay fariin keenaha ruuxa usoo dhiibay markay dhegeheeda ku dheceena magaca Liibaan
 waa ay qaracantay durbadiina telephone line ku jiray guriga Liibaan ayay wacday waxaana ka aqbatay asiga qudhiisa
waxayna ka codsatay inay la kulanto aqbal ayay ku kala tageen markay kulmeen labadooda ayay su aashay (Liibaan miyaad ijeceshahay)
 (haa ma ahan maanta maalintaan cabsanaayay waayowaysabo iima dhowrna ) ayuu ku jawaabay Liibaan
Cayni oo tixgelinayso jacaylka Liibaan ayaa ku taageertay misane aad kaga carootay daahitaanka uu kala
 daahay jacaylka how ever waxaa la isku raacay in lawada waraabin doono ubaxa jacaylka kalsooni iyo is
 aamina lagu wada dhisi doono Liibaan oo maalintaa ku tilmaamay inay ahayd maalintii labaad uu dhashay
 uuna xusi doono maalintaa jacaylkiisa uu ku guulaystay aawgii Cayni oo ayadana qudheeda jacayl uqaaday
 nafta Liibaan ayaa usoo jileecday dhanka Liibaan labada lamaane ee is doortay waxay noqdeen sida caadada
ahay kuwa ay dadku isku tilmaamaan midba midka kale ayay dadku ku xaman jireen jacaylka Liibaan iyo Cayni
 waa xoogaystay oo caruurtii xataa waxay garaysteen in ay yihiin labadaa lamaane ardaydii kasoo baxday jaamacadii
 Cilmi Boodhari jacaylku waa farxad nolol macaan badan qorshe wacan wax walbo oo san waa lagu tilmaami karaa
cadow goonina malahan inkastuu shaydaan jiro wixii sane uusan arki karin jacaylku waa dhab reerka Cayni waxay
 ogaadeen in gabadhooda ay jacayl xad dhaaf ah uqabto wiil aanan waxba haysan saboolna ah si qarsoodi ah ayagoo
 kaga tashtay arinta gabadhooda Cayni ah ayay raad raaceen Liibaan hoygiisa iyo harkiisa ugu danbayntiina waxay heleen
 gurigiisa Liibaan habeen habeenaha kamid ah ayaa waxaa Liibaan u imaaday 4 wiil oo uu kami
 ahaa Cayni walaalkeeda Hanad oo aqoon ulahaa Liibaan
Hanad waxa uu bilaabay inuu digniin siiyo Liibaan ayna ugu cago jugleeyeen hadii uu ka raad hari waayo gabadhooda
 ay qudha ka jari doonaan si kastabo ha ahaatee Liibaan hadalada Hanad aad ayay u caro geliyeen waxa uuna niyada
 iska dhahay (saboolnimo waa silac ku noolaansho) hadaba waxay ahaatabo Liibaan waxaa lasoo dersay fikir cusub oo
 ka duwan kii hore Cayni oo mar kasto layaabanayd xaalada cusub ee lasoo deristay Liibaan ayaa aad uga masayrtay
 una qaadatay inuu duul kale lahaayo gabar ay abti wadaag ahaayeen oo degenayd xaafada kuna cusbayd oo uu mar
walbo ubadnaa xageeda ayay aad kaga masayrtay Cayni walow aysanbo kawarqabin xaalada hanjabaada lasoo deristay
 Liibaan taasoo ay ugaysteen walaalaheeda
reerka Cayni ayaa waxay qaban qaabiyeen safar ay kaga dheereynayaan gabadhooda inanka saboolka ah ee Liibaan
 Cayni waxaa lasoo dersay murugo xaga Liibaan ah inakstoo aysan raali ka ahayn bixida hadane waa wax ya waalid
 wataan sida looga sheekeeyay in responsar loo xareeyay loona kaxayn doono dalka Maraykanka ayna wax uqaban
 doonto intii ay jeceshahay Liibaan oo markale ay lasoo derseen murugo kale ayaa arintaa ka ooyay kana aqbali kari
 waayay bixitaanka ay baxayso Cayni waxayna uballan qaaday in aysan mar iloowi doonin ayna xiriiri doonaan saacad
 kasta Cayni safarkeeda ayaa la soo gaaray maalintii ay bixida ku qonayd habeenkeeda ayay lakulantay Liibaan kuna
 dhaarisay Alle magaciisa inuusan ku hamin doonin gabar kale intayba ayada nooshahay Liibaan oo aad moodo in loo
 uumay ayada lee ayaa hadalo qancin leh ku sagootiyay kuna yiri(uurka adiga mooyee wayga diidau inan kale) sidii ayay
 isku macsalaameeyeen labada daan iyo sujuuda ayuu ka dhunkaday sahay ayuu uga dhigay jacaylkiisa iyo farxadiisa
 habeenkii oo idil asigoo qoslaayo ayuu misane ilmaynaayay adigoo arkaayo jacaylkaada hakaa tago waa ciil sidaan
filaayo Cayni waxay ka degatay dalka kenya gaar ahaan magaalada Nairobi Cayni saacaday tagtay saacadeeda kale
 waxay lasoo hadashay amooraheeda Liibaan in mudo ah markay wada xiriiraanbo waxaa dhacday in uu kari waayo
 nolosha Cayni la aanteedna uu dareemay cidlo saa id ah waxa uu go aansaday in uu raadiyo halka ay ku noooshahay
 Cayni balse uusan awoodi karin qarash uu ku aado akteeda asigoo yaaban dhane jacayl ka eryinaayo dhane daruuf iyo
 dan ay kadaba joogto ayuu kawar helay inay bixi rabaan gabadhii ay abti wadaaga ahaayeen iyo reerkooda ayna usocdaan
 xirooyinka qaxootiga waxa uuna ku fikiray xirooyinka hadii uu mar tago inay ufududahay ka ag dhowaanshaha Cayni agteeda
waxa uu reerka ka codsaday inuu horey uraaco waana ay ka aqbaleen waxa uu Cayni usheegay inuu usocdo dhankeeda Cayni
aad aya ugu faraxday aqbaartaa waxa ayna diyaarisay qaban qaabo ay ku soo dhowaynayso Liibaan ninka Liibaan ahaana waxa
 uu kadegtay xirooyinka qaxootiga mid kamid ah ee la oran jiray Dhagaxleey inkastoo ay labadii lamaane isku soo dhowaadeen
 hadane isma aysan arki karayn maqal mooyee Cayni oo mar walba sugataa Liibaan ayaa maalin maalmaha kamid ah waxaa
 Nairobi kusoo martay gabar ay lasoo dardaarmeen sedexeeye yaasha jacaylka gabadhaa oo la noolayd mudo dhowr beri ah
waxa ay bilowday inay kawaraysato xaalada waxayna uga war bixay Liibaan waxayna kadhaadhicisay Liibaan in loo guurii gabadhii
abtiisa uu dhalay welibo aroos qarsoodi ah buufis iyo waxna ay marayso gabadha markay dadku waraystaane Liibaan uu oran jiray
Cayni waan kala fogaanayee maxaan isku shegaynaa okisiyoonkaan ayaana ka faa idaysanaa Cayni maqlid aqbaartaa way ku waalan gaartay
 oo waxa ay arintaa ku rumaysan kartayna waxay ahayd ayada oo joogtaa ayayba kaga shakin jirtay Cayni oo kagoosatay amooraheeda
Liibaan ayaa murugo lasoo deristay ninka Liibaan ahaana wax aqbaar ah kama uusan helin gacalisadiisa Cayni waana qaafil xaalada
dhacdayna waxba kama oga Cayni oo la qaab ay isku madadaaliso ayay is barteen wiil lagumagacaabo Cadnaan wiilkaa oo
qudhiisa aad ujeclaaday Cayni Liibaan mar alaala markuu soo woco kama aysan qaban jirin telephonka waayo waxayba aamin
 sanayd inuu qayaanay Cayni oo kaga aargoosanaysa ayaa soo wacday Liibaan misane bartay wiilka Cadnaan ahaa kuna dhahday
 (Liibaanow waxaan jeclahay wiilkan Cadnaan ah sidaad udanaysataan anigane udanaystay ee byeee) Liibaan oo hadalka Cayni
 mugdi ka galay ayaa ku celiyay tellkeeda misane kaqaban diiday Liibaan oo aad moodo murugade in sed looga dhigay ayaa
 bilaabay cabasho iyo calaacal xaga jacaylka waxaana indhihiisa soo buux dhaafiyay ilimo jacayl oo aan cadad lahayn
ilintaasoo aad moodo dhimbil dab ah waxa uuna ku cawasaadaayay habeenkii oo idil geeraar iyo gabay iyo heeso sida tan

buugiyo dhigaalkiyo

adigoon garan jacaylbaan

kuu bilaabay aniguye

ma markaad badiyo

shaqalkiisa baratay

ood dhamaysay buug two

miyaad labo bogleysood

duul kale iigu baaqday

markaan haatane kuu bogay

miyaad soo bari igu tiri

berigaynu kulaniyo

eeday barashadaynii

caku balamidaynii

ileyn waxaad ahayd

balaayo iyo baas aan baxayn

Walaaca iyo walbahaarka
waxay noqdeen kuwo hareero
 yaalo nolosha Liibaan si
 kastabo ha ahaatee Liibaan
waxa uu ku dadaalay si ugu
 gudbi lahaa Cayni xageeda
 nasiib darose uma aysan suurto
 galin inuu deb ula kulmoJacaylkiisa
 dhanka Cayni ayada waxaa qaada
 caruurnimo oo waxayba ku dhegsatay
Cadnaan oo hoos ayayba ka mehersatay
 ayadoo aysan dad la ogayn mudo
 kadib Cayni waxaa ku soo baxay uur
 dadkuna waxay kawar heleen uurka
Cayni durbadiiba waxaa lagaarsiiyay
 Liibaan maya maya maya maya
mayaaaaaaaaa iyo hadalo kale oo
 ciil mudan ayaa ka yeeray Liibaan
 waxa uu halis ugalay inuu naftiisa
ku qamaaro Liibaan ma uusan rumaysan
 hadalkaa balse waxa uu arkay wax uu ku
 qanci karo waayo saaxiibkiisa qaaliga ahaa
 oo joogay magaalada Nairobi ayaa kaga waramay
 in au uur lee dahay misane mar dhow laguurin
 doono liibaan yaa ku hadaaqay tixdan

Hanaanka iyo quruxda

iyo haybadaa wacan

waa hibbo allee

masa heli karaayo

waqtigii bayga hiilshay

waxan lahad layaa

midka ay laysay

hagar la i kuraacday

wuxu waa haween

haweena waa caruur

marka ay hoy kuu gasho

habeene ay kuu dhaxdo

jinni baa uu heesee

walaalow ha ciilin

Cayni hayga ciilin

Liibaan waa uu niyad
 jabay waxa uuna go aansaday
 inuu ku laabto halkii ay ku
noolayd hooyadii Liibaan sidii
 ayuu ku laabtay kuna seegay
jacaylkii uu inta badnayd dhibka
 ka soo maray hadane cawaaqif
 xumo kaga dhamaatay CAYNI
waxaa loo guuriyay sayigeeda
 dhowr bilood kadibne waa ay
 dhashay waxa ayna dhashay
 wiil oo ay ku samisay Liibaan
 waayo waxay gadaal ka ogaatay
 inay ku dhaqaaqday fal qaldan
oo uusan Liibaan wax gabar ahna
 lagu darin uuna weli jecel yahay
si ay uraali geliso ayay cunugeeda
 curudka ugu samisay Liibaan
 mudo dhowr bilood kadib Liibaan
 waxaa loo soo kexeeyay magaalada
 Nairobi waxayna habeen si lama
 filaan isku arkeen Cadnaan oo ahaa
 wiilka guursaday Cayni sheeko dheer
 kadib Cadnaan waxa uu ka codsaday
inuu u kaxeeyo guriga uuna soo tuso
 Cayni iyo curudkooda Liibaan Liibaan
 waa uu ka ogolaaday waxaana loo
geeyay Cayni oo ku jirto gurigeeda
 xalaasha ahaa markay araktay
Liibaan ayaa ka xumaatay inay
ku arakto amooraheeda hore
 nolol fool xumo badan sheeko
 dheer kadib Liibaan halkii ayaa
 lagu baray cunugii loogu mgacdaray
 asiga Liibaan ayaa ku yiri Cayni

(Cayniyeey ciil iyo ciqaab
 iyo caro walboon arkay iyo
welibo si walboon dartaada
 isugu ciilkaabshay hada
waxaa iga qanciyay cunugaadan
 yar ee ah Liibaan Nasiib hadane
 warsan iyo salaan nabadeey)
 Liibaan sidii ayuu kaga soo
 dhaqaajiyay waxa uuna ogaaday
 labada is jecel haday daacad
 isku yihiin inaysan dad iyo
dunyabo kala gayn karin balse
aysan marka horebo wax dhab
 aysan uqabin waxa uuna faalo
 bixiyay jacaylka waxa uuna yiri
 (ha jeclaan qof hadii aadan
 mar ahaantaabo guursan karin )

Qoraaga Buugan

(Abwaan Saagar)

Mahadnaq Balaaran
1) Axmed Ciise Bare
2) Mahad baay
3)Maxamed Nuur Cali
4)Xuseen Abokey Zaky
5)Osman Haghi Aways
6) Xasan Maxamed Maxamuud
7)Najmo Maxamed Cali
8) Xamdi Abuukar Maxamed
9) Ifraax Cabdullahi Cali
10) Cabdullahi Axmed Xuseen

 ....................................................................................................................................................................................

.

Fikradaada

Farxiya Fiska - Damac Jaceyl origina - Dhag Dhag.mp3

 

 

Make a Free Website with Yola.